PodcastsGovernmentMaamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda
Maamul Wanaag
Latest episode

73 episodes

  • Maamul Wanaag

    Dastuurka Federaalka Soomaaliya: Maxaa La Beddelay, Sideese Loo Ansixiyay?

    2026/06/10 | 1h 39 mins.
    4-tii Maarso 2026, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurka kumeelgaarka ah, sidoo kale waxaa lagu ansixiyay wax-ka-beddelka saddex qodob oo ku jira cutubka 2-aad iyo saddex qodob oo ku jira cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dib-u-eegista dastuurka, islamarkaana nuqulka cusub uu noqon doono dastuurka rasmiga ah ee dalka. Afar maalmood ka dib, 8-dii Maarso, Madaxweynaha ayaa saxiixay dastuurka cusub. 
    Qeybtan 73-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Avv. Burhaan Aadan Cumar, oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxay isla gorfeynayaan dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka, habraaca loo maray, nuxurka arrimaha wax laga beddelay iyo khilaafka ka jira.  
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    ·      Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Islaamka iyo Dowladnimada

    2026/05/26 | 1h 9 mins.
    Dowladnimada casriga ah oo ay Soomaaliya lahayd tan iyo 1960-kii weli waa liiceysaa. Dad badan ayaa aaminsan in aan la is waafajinin dowladnimada, qabiilka & diinta. Soomaaliya oo ay dadkeedu yihiin Muslimiin 100% ayaa haddana ah dalka loo aqoonsan yahay in uu ugu musuqmaasuq badan yahay dunida. Maxaa hortaagan in la is waafajiyo diinta & dowladnimada?
    Qeybtan 72-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, Agaasimaha Somali Public Agenda, iyo Dr. Cabdulqaadir Macallin Maxamed Geeddi oo ah bare jaamacadeed, waxa ay ku gorfeynayaan Islaamka iyo dowladnimada. 
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    ·      Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Maareynta Kalaguurka: Dastuurka, Doorashooyinka & Dibadbaxyada

    2026/05/10 | 1h 3 mins.
    Muddadii afarta sano ahayd ee la doortay baarlamaanka federaalka waa dhamaatay. Sidoo kale muddadii afarta sano ahayd ee Madaxweynaha ayaa dhamaaneysa 15-ka May ee sanadkan. Weli dhinacyada heshiis kuma aha sida loo maareynayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal.
    Qeybtan 71-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ah mudane katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horena u soo noqday muddo 3 jeer ah Agaasimaha Hay’adda NISA, Wasiir heer federaal ah iyo Diblomaasi, waxa ay ku falanqeynayaan maareynta marxaladda kalaguurka, dastuurka iyo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    ·      Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Aragtida Dowladnimada

    2026/04/16 | 1h 20 mins.
    Horraantii sanadkan ayaa la soo bandhigay buug cusub oo ciwaankiisu yahay “Aragtida Dowladnimada”(The Idea of a State). Buuggan waxaa qoray Xuseen Sheekh Cali oo labo jeer soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ah guddoomiyaha Machadka Saldhig.
    Qeybtan 70-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xuseen Sheekh Cali, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka buugga iyo farriimaha ku jira.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    ·      Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Wax-ka-beddelka Dastuurka iyo Maareynta Doorashooyinka Dalka

    2026/03/16 | 47 mins.
    Kadib burburkii shirkii u socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka ayaa dardargeliyay dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. 4-tii Maarso ayuu Baarlamaanku u codeeyay 11 cutub, isagoo ku dhawaaqay in dib-u-eegistii dastuurka la soo gabagabeeyay. Afar maalmood kadib, Madaxweynaha ayaa saxiixay.
    Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo shiray kahor ansixinta dastuurka, ayaa diiday wax-ka-beddelka dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen in 10-ka Abriil ay qaban doonaan shirweyne looga arrinsanayo mustaqbalka dalka. 
    Qeybtan 69-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Hon. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame — oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka isla markaana xubin ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed — waxay isla gorfeynayaan arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo doorashooyinka heer federaal. 
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    ·      Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!
More Government podcasts
About Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Podcast website

Listen to Maamul Wanaag, The Interview and many other podcasts from around the world with the radio.net app

Get the free radio.net app

  • Stations and podcasts to bookmark
  • Stream via Wi-Fi or Bluetooth
  • Supports Carplay & Android Auto
  • Many other app features
Maamul Wanaag: Podcasts in Family